Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Bashir oo loo gacan gelinayo maxkamadda ICC


Dowladda ku-meel gaarka ah ee Sudan ayaa aqbashay in madaxweynihii hore ee dalkaas Omar al-Bashir ay u gacan geliso maxkamadda dambiyada ee ICC.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii magaalada caasimadda ah ee Khartoum ay ku kulmeen dowladda iyo mucaaradka gobolka Darfur.

Ahmed Tugod oo matalayey mucaaradka ayaa VOA u sheegay in dhinacyada ay isku raaceen in dhammaan afarta qof ee u dhashay Sudan ee ay dooneyso maxkamadda ICC, oo uu ku jiro Al-Bashir , loo gacan geliyo.

Tugod ayaa sheegay in go’aanka lagu gacan gelinayo dadkan uusan dhaqan geli doonin illaa heshiis buuxa ay ka gaaraan dhinacyada ku dagaalaya Sudan.

Tugod waxa uu yiri inuu rajeynayo in taasi ay dhacdo dhowrka toddobaad ee soo socda gudahood.

Wakaaladda wararka Sudan ee SNA ayaa sheegtay in dowladda iyo mucaaradka Darfur ay isla ogolaadeen in dhiibista dadka ay dooneyso maxkamadda ICC ay muhiim u tahay in caddaalad ay ka dhacdo Darfur.

Mucaaradka iyo dowladda Sudan ayaa Darfur ku dagaalamayey tan iyo 2003.

Wakaaladda SNA magac ahaan uma xusin Al-Bashir .

Maxkamadda ICC ayaa Al-Bashir u dooneyso eedo la xiriira dambiyo dagaal, dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada iyo xasuuq.

Al-Bashir ayaa xukunka waxaa ka tuuray militariga Sudan, April 2019, kadib 30 sano oo uu hayey.

XS
SM
MD
LG