Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dimoqraadiga oo ku loolama gobolka New Hampshire


Democrate Debate
Democrate Debate

Duqii hore ee magaalada South Bend ee gobolka Indiana Pete Buttigieg ayaa ka qeybgali doona codbixinta ugu horreysay ee toos ah ee talaadada berri ah ka dhacaysa gobolka New Hampshire, isaga oo ah ninka haysta ergooyinka ugu badan.

Xisbiga Dimuqraadiga ee gobolka Iowa ayaa shaaciyey natiijada codbixintii ergooyinka gobolkaasi ee la qabtay Isniintii hore taasi oo ay hareysay jahawareer ka dib markii cilad farsamo ay soo wajahday.

Buttigieg ayaa lagu dhawaaqay inuu helay 14 ka mid ah 41 ergo ee gobolkaasi Iowa, waxaana ku xigay Senator-ka gobolka Vermont Bernie Sanders oo helay 12 ergo, 8 ergo ayaa waxaa qaatay Senatoradda gobolka Massachusetts Elizabeth Warren halka Madaxweyne kuxigeenkii hore Joe Biden uu helay 6 ergo, ayada oo Senatorada Minnesota Amy Klobuchar ay heshay hal ergay.

Ma jirin musharrax kale oo gobolka Iowa ka helay wax ergo ah.

Musharraxa soo baxaya ayaa u baahan inuu helo 1,990 ergo si ay ugu guuleysto magacaabista musharaxa madaxweynaha ee shirweynaha xisbiga dimoqraadiga ee bisha Luulyo ee ka dhici doona magaalada Milwaukee ee gobolka Wisconsin.

In kasta oo ay goor hore tahay islamarkaana 14 ergo aysan u muuqan mid macna weyn leh haatan sameyneysa, hadana ergay kasta oo uu musharaxu helo ayaa ah mid muhiim ah, gaar ahaan tartankan adag ee u muuqda iney hogaaminayaan Buttigieg iyo Sanders iyo Warren oo aan iyaga aad uga fogayn.

Saadaal laga sameeyey gobolka New Hampshire ee ay codbixintiisu dhacayso maalinta berri ah ayaa muujineysa in Senator Sanders uu hogaaminayo, halka Buttigieg uu yahay qofka labaad. Madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden iyo Warren ayaa ku kala jira kaalmaha saddexaad iyo afaraad halka Klobuchar ay tahay qofka shanaad.

XS
SM
MD
LG