Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Weerar ka Fulisay gobolka Lamu


Warbaahinta gudaha Kenya ayaa ku waramaya in koox lagu tuhmayo iney Al-Shabaab ka tirsanaayeen ay magaalada Milihoi ee ku taala wadada isku xirta Lamu iyo Garsen ku gubeen laba ka tirsan gaadiidka ka qeybgalaya dhismaha wadadaasi.

Taliyaha ciidamada booliska ee Lamu Irungu Macharia ayaa weerarkan u xaqiijiyay warbaahinta The Citizen ee dalka Kenya isaga oo sheegay in ciidamada booliska iyo kooxaha hubeysan ay is rasaaseeyeen ka hor inta aaney maleyshiyaadka Al-Shabaab u cararin dhanka keymaha.

Sarkaalkan ayaa sheegaya in marka laga tago baabuurta la gubay aaney dhacdadani sababin wax dhimasho iyo dhaawac ah.

Kooxda weerarka qaadday ayuu taliyaha booliska ee Lamu sheegay iney damacsanaayeen iney weeraraan xarun boolis oo ka agdhoweyd wadada uu dayactirku ka socdo ee Lamu-Garsen.

Al-Shabaab ayaan weli sheegan weerarkan. Hase ahaatee, waxa ay malayshiyaadka Al-Shabaab dhowr jeer oo hore ay weeraro ka fuliyeen goobo ka tirsan gobolka xeebta ah ee Lamu ee dalka Kenya.

XS
SM
MD
LG