Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadka uu Dilay Coronavirus oo Kor u Dhaafaya 800 oo Qof


Afar qof oo la socday markabka dalxiiska ee Royal Caribbean ayaa magaalada Newark ee gobolka New Jersey lagu qiimeynayaa suurtagalnimada ah in ay qabaan xanuunka Coronavirus ee ka dillaacay dalka China. 11 qof oo kale oo Mareykan ah ayaa karantiil ahaan ugu jira markab kale oo ku sugan xeebta dalka Japan oo laga helay xanuunka.

Dhanka kale, dhakhtarkii sameeyay qaylo dhaanta la xiriirta fayraska coronavirus ayaa u dhintay cudurkan iyada oo la xaqiijiyey in kiisaska dadka uu ku dhacay xanuunka ay ka badan yihiin 31,000.

Tirada dadka dhuntay firus-kan coronavirus kor u dhaaftay 800 oo qof oo ku dhintay gudaha dalka Shiinaha.

Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa ka soo xigatay saraakiisha caafimaadka in tirada dadka ku dhintay firus-kan ay haatan kor u dhaaftay tirada dadkii uu dilay firus-kii SARS ee sanadihii 2002 ilaa 2003-dii dad gaaraya 774 qof ku dilay qeybo badan oo caalamka ah.

Weriyaha VOA Mariama Diallo ayaa warbixintan ka diyaarisay, Caasha Ibraahim Aadan ayaana soo koobeysa.

Tirada Dhimashada cronovirus oo korodhay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:11 0:00


XS
SM
MD
LG