Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khamenei: Waa in aynu yeelannaa awood xooggan oo aan isaga baacino cadowga


Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Cali Khameni ayaa maanta sheegey in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay noqoto mid awood leh oo isaga waabisa halisaha cadowgeeda islamarkaasina ka hortagto dagaal.

Khameni ayaa sheegey in Iran ay leedahay ciidamo cir oo xooggan, inkasta oo tobannaan sano Mareykanka ku hayay dalkaasi cadaadis cuna-qabateyn tan iyo kacaankii Islaamiga ah Iran ee 1979.

“Waa inaynu noqonnaa kuwa awood xooggan leh, si markaasi aanu dagaal u dhicin, waa inaynu awood xooggan yeelanaa si aan u baabi’ino halista cadowga,” ayuu Khameni u sheegey isu soo bax ay sameyeeen ciidamada cirka iyo saraakiishooda.

Hoggaamiyaha sare ee Iran, ayaa sheegey in arrintaasi aanay aheyn hanjabaad ay u dirayaan cidna, balse uu yahay mid looga hortagayo halista, si dalkiisa uu usii amba qaado nabad-galyadiisa.

Xiisad ayaa ka dhex oogantay Tehran iyo Washington horraantii bishii January, kadib markii diyaaradaha Drones-ka Mareykanka ay ku dileen magaalada Baqdaad ee Ciraaq, Jeneraal Qasem Soleymaani oo ka tirsanaa ciidamada Iran.

Iran ayaa maalmo kadib dhowr gantaal oo ay sheegtay inay ku aargudaneyso ku qaadday saldhigyo Mareykanka uu ku lahaa Ciraaq.

XS
SM
MD
LG