Dowladda Turkey ayaa Sabtida maanta ah ku hanjabtay iney duqeymo kaga jawaabi doonto haddii xarumaha ciidamadeeda ku sugan yihiin ee gobolka Idlib ee Suuriya markale la weeraro.
Sida uu qabo heshiis uu Turkey la galay Russia oo ah xulufada ugu muhiimsan ee madaxweyne Bashar al-Assad, Turkey ayaa 12 goobood oo kormeer ah ka sameystay gobolka Idlib kuwaasi oo ay uga hortagayaan weerarada ka iman kara ciidamada dowladda Syria.
Ilaa Jimcadii shalay, Turkey ayaa diray 350 gawaarida dagaalka ah iyo kuwa gaashaaman si ay u xoojiyaan ammaanka xarumahaasi, sida ay wakaaladda wararka ee ay dowladdu maamusho ee Anadolu soo werisay.
Arrintan ayaa timid ka dib markii ay saraakiishu sheegeen in saddax ka mid xerooyinkaasi ay hareereeyeen ciidamada dowladda Syria.
“Xarumeheena kormeerka ee Idlib waa ay sii wataan howlahoodii, waxaana ay awoodaan iney isku difaacaan hubka iyo qalabka ay haystaan,” ayay wasaaradda difaaca ee Turkey-gu ku daabacday barteeda Twitter-ka.
“Haddii uu dhaco weerar cusub, jawaabta mudan ayaan ka bixin doonnaa habka ugu adag taasi oo lagu saleeyo habka is-difaaca.”
Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa ka dalbaday dowladda Syria iney ciidankeeda kala baxdo goobaha u dhow xarumaha kormeerka ee Turkey-ga ugu danbeyn dhamaadka bishan February ka dib markii 8 askari oo Turkish ah lagu dilay gantaalo ay Isniintii tuureen ciidamada Rijiimka Syria.
Fahrettin Altun, oo ah xoghaya warfaafinta ee madaxweyna Turkey-ga ayaa sheegay in xaaladda ka sii dareysa ee gobolka Idlib ay noqoneyso mid aysan Ankara aqbali karin wuxuuna eeddeeda dusha ka saaray maamulka Syria.
“Ma u dulqaadan karno waxa ka socda Idlib. Waxaan raadineynaa inaan ka xisaabtanno kuwa nooga shahiiday halkaasi," ayuu Sabtida maanta ah ka sheegay Istanbul.
“Mustaqbalka Bashar Al-Assad meel kuma lahan madaxtinimada, ee goobta uu mudan yahay waa in la taago maxkamadda danbiyada ee The Hague,” ayuu yiri Altum.
Wafdi ka socda dowladda Russia ayaa maanta la kulmaya saraakiisha Turkey-ga si loo hadlo xaaladda gobolka Idlib. Labadan dal ayaa si dhow wadashaqeyn uga sameeyey xaaladda gobolka Idlib inkastoo ay kala taageeraan labada dhinac ee isku haya siyaasadda Syria ee kala ah maamulka Assad iyo kooxaha kacdoonka.
Xigasho: AFP