Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynihii hore ee Kenya, Moi oo geeriyooday


Daniel arap Moi oo ahaa madaxweynihii ugu waqtiga dheeraa dalka Kenya ayaa geeriyooday isagoo ay da’diisu ahayd 95 jir.

Geerida Moi ayaa waxaa ku dhawaaqay madaxweynaha iminka ee Kenya Uhuru Kenyata, isagoo ka hadlayay idaacadda dowlada, saacadihii hore ee Talaadada.

Madaxweyne Kenyatta ayaa amray muddo baroordiiq ah, illaa aa sheer qaran ah looga sameynayo Moi, inkasta oo aan la shaacin waqtiga.

Moi, oo xukumay dalka Kenya muddo 24 sano ah, intii u dhaxeysay 1978-kii illaa 2002, ayaa ku jiray isbitaal muddo bil ka badan.

In kasta oo lagu dhaleeceeyo inuu ahaa kaligii taliye, ayaa Moi wuxuu taageero xoog leh ka helay dad badan oo reer Kenya ah, waxaana loo arkayay inuu ahaa mid dadka isu keenay markii uu xukunka qabtay, kadib markii uu geeriyooday madaxweynihii ugu horreeyay Kenyna ee Jomo Kenyatta, 1978-kii.

Hadaba maxaa lagu xasuusan doonaa Moi? Su'aashaasi ayuu Wariyaha VOA ee Naiorbi Khadar Maxamuud Xareed waydiiyay Prof. Cabdiwahaab Sheikh Cabdisaad oo kamid ah aqoonyahanada dalka Kenya, sidoo kalena falanqeeya arrimaha Geeska Africa.

Maxaa lagu xusuusan doonaa Moi?
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:56 0:00


XS
SM
MD
LG