Dadka daggan gobolka Iowa ayaa Isniintii smeyay xulashadoodii u horreeysay ee murashaxa xisbiga demoqraadiaga ee bisha Novembar doorashada xilka madaxweynaha kula tartamaya madaxweyne Donald Trump.
Murashaxa ku guuleysta gobolka Iowa ayaa wuxuu sare u qaadi karaa tarmadiisa gobolada kale ee ku soo xiga Iowa.
Haddaba maxay musharraxa ku guuleysata rabitaanka reer Iowa uga dhigan tahay tartanka uu ugu jiro inuu noqdo musharaxa xisbiga demoqraadiga ee bisha November la tartamaya madaxweyne Trump.
Su’aashaasi iyo kuwo kale ayay Caasho Ibrahim Aden weydiiday C/qafaar Cabdi Wardheere oo ka faaalooda siyaasadda caalamka iyo tan Mareykanka.