Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Dadka cayrta qaata oo loo diidayo Green Card


Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa madaxweyne Donald Trump u ogolaatay inuu dhaqan gelin karo qorshe uu ku doonayo in dadka qaata kaalmada dowladda loo diidi karo sharciga deganaanshaha ee dalkan Mareykanka, inta uu ka soo baxayo xeer kama danbeys ah.

Go’aanka ay maxkamaddu gaartay ayay dowladdu u cuskan kartaa in sharciga loogu diido dadka hela, kaalmooyinka ay ka midka yihiin, caymiska caafimaad, lacagaha cunnada lagu iibsado ee ay dowladdu ku kabto qoysaska dan yarta ah iyo kaalmada guryaha.

Xeerka oo weli ay maxkamaddiisu taagan tahay ayaa waxaa dubra ka so hor jeestay kooxaha u dooda xuquuqda dadka dhawaangalka ah.

Wariyaha VOA ee gobalka Minnesota Maxamuud Mascadde, ayaa arrimahaas ka wareystay garyaqaan Amiin Haaruun oo uu marka hore waydiiyay, bal inuu faahfaahin ka bixiyo go’aanka Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka.

Mareykanka: Dadka cayrta qaata oo loo diidayo Green Card
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:09 0:00


XS
SM
MD
LG