Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo maanta shaacinaya 'Heshiiska Qarniga'


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta shaaca ka qaado qorshihiisa uu ku xalinayo dagaalka Israel iyo Falastiin.

Munaasabad maanta ka dhici doonta Aqalka Cad ayaa astaan u ah xaaladda xiriirka saddexda dhinac, ayada oo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu kasoo dhinac muuqan doono Trump, halka hogaamiyayaasha Falastiin ay sheegeen inaan la casuumin.

Ka hor inta aan qorshahan la shaacin, Trump waxa uu la kulmay Netanyahu, waxaana uu ku gacan seeray walaacyada Falastiiniyiinta oo diiday qorshahan oo ay ku qeexeen siyaasad taageersan Israel.

“Waxaan u malayanayaa in ugu dambeyn ay qaadan doono. Aad ayuu ugu wanaagsan yahay. Sidaas darteed, waan arki doonnaa waxa dhaca. La’aantood heshiis ma sameyn karno balse taas waa caadi,” ayuu yiri Trump.

Ra’iisul wasaaraha Falastiin Mohammad Shtayyeh ayaa sheegay in qorshaha Trump uusan ahayn wax dhaafsan hab “lagu soo afjarayo qadiyadda Falastiin.”

Netanyahu ayaa sheegay in qorshahan uu yahay fursad “lagu sameynayo taariikh laguna qeexayo xuduudaha Israel.”

Trump ayaa horey qorshahan ugu magac daray “Heshiiska Qarniga.”

XS
SM
MD
LG