Qareennada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta oo Isniin ah dib u billaabaya difaacista ka dhanka ah kiis dacwad xil-ka-qaadis ah oo hore ay usoo meel-mariyeen golaha Aqalka Wakiilada haatanna hortaalla Senate-ka
Dimoqraadiyiinta ayaa soo cusbooneysiiyey baaqoodii ay ku dalbanayeen in marqaati furayaal cusub loo ogolaado iney Aqalka horyimaadaan, kadib markii ay soo baxday warbixin sheegeeysa in madaxweynuhu uu u sheegay la-taliyihiisii amniga qaranka ee hore in uu hakiyay taageerada amni ee Ukraine loogu talogalay illaa uu dalkaasi ka bilalabo baaris ka dhan ah madaxweyne ku-xigeenkii hore Joe Biden.
Wargayska The New York times ayaa ahayd warbaahintii u horreysay ee soo werisay eedaha ka soo muuqda buug dhowaan la shaacin doono oo uu qoray John Bolton, oo soo noqday la-taliyaha amniga qarankaTrump, laakin qeybo badan oo ka mid ah warbaahinta Mareykanka ayaa markii danbe xaqiijiyay warkan iyaga oo la hadlay dad xog ka haya buuggan.
Trump ayaa haatan waxaa Aqalka Sare ka taalla dacwad uu dhagaysigeedu socdo taasi oo ay Aqalka hoose ku eedeeyeen inuu hakiyay lacag dhan 391milyan oo dollar oo loogu talogalay dalka Ukraine.
Eedeynta labaad ayaa ahayd inuu Trump carqaladeeyey Congress-ka Mareykanka isagoo is hortaagay baarista ay xubnaha aqalkaasi ku sameeynayeen ficilladiisa.
Madaxweyne Trump ayaa Isniinta maanta ah dhowr qoraal oo uu ku daabacay boggiisa Twitter ku beeniyey eedahan laga soo weriyey Bolton.