Isku xirrada

War Deg-Deg ah

22 qof oo ku dhintay dhul gariir ku dhuftay Turkey


Dhisme ku burburay dhul-gariirka

Shaqaalaha gurmadka ayaa ku howlan maanta oo Sabti ah samata bixinta dad lagu la’ yahay burburka dhismayaasha ka dib dhul gariir xooggan oo sababay dhimashada 22 qof iyo dhaawaca 1,200 oo qof oo kale kaasi oo ku dhuftay bariga dalka Turkey.

Dhul gariirkan oo cabbirkiisu ahaa 6.8 magnitude ayaa fiidnimadii Jimcaha ku dhuftay magaalada Sivrice ee gobolka Elazig iyadoo laga dareemay deegaanada deriska la ah.

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa hakiyey khudbad u qorsheysneyd inuu ka jeediyo magaalada Istanbul isaga oo tagay gobolka Elazig halkaasi oo uu kaga qeybgalay aas loo sameeyey haweeney iyo wiil ay dhashay oo ka mid ahaa dadkii dhul gariirka ku geeriyooday.

Shaqaalaha gurmadka ayaa wada baaritaanka 30 qof oo lagu waayay burburka dhismayaasha dumay hoostooda ee gobolka Elazing iyo gobolka deriska la ah ee Malatya, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Turkey-ga Fahrettin Koca. Waxa uu ka digay in tirada dhimashadu ay sii kordhi karto.

Shaqaalaha gurmadka iyo ciidamada ammaanka ayaa dadka u qeybiyay teendhooyin, sariiro iyo bustayaal iyadoo heerkulka habeenkii uu yahay mid aad u qabow dhulka ay dhibaatadu saameysay.

Masaajidada, iskuullada, garonnada lagu cayaaro iyo guryaha ay ardaydu ku nool yihiin ayaa loo furay boqolaal qof oo ah dadka ka soo cararay guryahooda ka dib markii dhul gariirku dhacay.

“Dhul gariirku waxa uu ahaa mid aad u culus, waxaanna si quus ah uga cararnay guryaheenna,” ayuu Emre Gocer oo ah dadka deegaanka dhul gariirku ka dhacay u sheegay wakaaladda wararka dowladda u faafisa ee Anadolu.

XS
SM
MD
LG