Wararka ka imanaya Gobolka Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in dablay la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ay weerareen bas marayey meel u dhow degaanka lagu magacaabo Qorof-Xaraar.
Faahfaahinta weerarkan ayaa weriyahayaga Maxamed Faarax Shire uu kala xiriiray mas’uuliyiinta, warbixintan ayuuna soo diray.