Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fayruska Shiinaha ka dillaacay oo dhowr magaalo loo go'doomiyey


Xukuumadda Beijing ayaa go’doomisay dhowr magaallo oo dalka Shiinaha ku yaalla Jimcada Maanta ah, si ay u xakamayeso Fayruska dhaliyay xanuunka aan la qoonin ee ka dillaacay dalkaasi.

Dowladda Shiinaha ayaa sidoo kale joojisay safarrada tirada badan ee dadka iyo xaflado dhaqameedka fasaxa ee bishan oo kale Beijing lagu qabto, halkaas oo dad weyne farabadan ay isugu soo ururaan.

Ugu yaraan sideed magaalo oo dalkaas ah oo ay ku noolyihiin 25 million oo qof ayaa la go’doomiyay.

Magaalada Wuhan, oo ah magaaladii uu xanuunka ka billowday, iyo magaalooyinka Wohan, Ezhou, Huanggang, Chibi, Qianjiang, Zhijiang, Jingmen, ayaan cidna loo ogoleyn inay gasho am aka baxdo.

Tallaabadan ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee noocan ah oo dowladda Shiinaha ay ku go’doomiso dhowr magaalo oo dalkaasi ah tan iyo intii uu soo billowday fayruska dillaacay, kaas oo hadda ku fidaya dalal kale.

Fayruska ayaa dilay ugu yaraan 24 qof ,sida ay sheegtay waaxda caafimaadka ee Gobolka Hubei, iyadoo la xaqiijiyay in 550 qof, oo ay ku jiraan 15 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ay la il daran yihiin xanuunkaasi.

XS
SM
MD
LG