Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iraq: Dibad-bax lagu dalbaday in la eryo ciidamada Mareykanka


Kumanaan qof oo ah taageerayaasha wadaadka Iraq ee Moqtada Sadr ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Baghdad, ayaga oo ka qeyb galaya dibad-bax lagu dalbanayo in ciidamada Mareykanka laga eryo dalkaas.

“Naga baxa kuwa soo duulay, waxaan rabnaa madax-banaani” ayey ku qeylinayeen dibad-baxayaasha, oo isugu jiray rag, dhallinyaro, caruur, iyo haween.

Wakiil ka socda Moqtada Sadr oo ka hadlay dibad-baxa, ayaa aqriyey bayaan kasoo baxay wadaadkan saameynta badan ku leh Iraq.

Bayaanka ayaa ku baaqay in dhammaan ciidamada shisheeya ay ka baxaan Iraq, in laga laabto heshiiska amni ee Iraq ay kula jirto Mareykanka, in hawada Mareykanka laga xiro militariga Mareykanka, iyo in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uusan “kibir” muujin, marka uu ka hadlayo saraakiisha Iraq.

“Haddii dhammaan arrimahan la fuliyo, waxaan Mareykanka ula macaamileynaa sida dal aan soo duulin – haddii kale waxaa loo arki doonaa dal cadow ku ah Iraq,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Joogitaanka ciidamada Mareykanka ayaa arrin xasaasi ah ka ahayd Iraq tan iyo markii diyaarad drone ay ku dileen Jeneralkii reer Iran ee Qasem Soleimani, iyo hoggaamiye ku-xigeenka kooxda Al-Shaxd Al-Shacab ee Shiicada Iraq.

AFP

XS
SM
MD
LG