Dalka Ethiopia waxa isbahaysi samaysanaya qaar ka mid ah ururada dalkaasi ka jira, waxaana ilaa haatan isbahaysi samaystay afar urur oo uu ka mid yahay Ururka ONLF.
Gudoomiyaha ururkan Cabdiraxmaan Maxamed Sh Mahdi (Maaday) oo VOA u warmay ayaa sheegay in ururkoodu uu isbahysigaasi gudoomiye ku xigeen ka noqon doono islamarkaana xubno ku yeelan doonaan guddida fulinta ee isbahaysigaasi.
Gudoomiye Maaday oo u waramay Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa sidoo kale ka hadlay dooda ka soo cusboonaatay dhiibistii Cabdikariim Qalbidhagax oo ah sarkaal ka tirsan ONLF, haseyeeshee waxa uu marka hore faahfaahinayaa isbahaysigan waxa uu yahay.