Isku xirrada

War Deg-Deg ah

43 qof oo Soomaali ah oo lagu xiray Islii


Ciidamada ammaanka Dowladda Kenya ayaa maalmihii lasoo dhaafay hawlgallo ay ka sameeyeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi waxay ku xirxireen ilaa 43 qof oo Soomaali ah kuwaasoo hadda ku jira xabsiga magaalada Nairobi.

Dadkan la xirxiray ayaa la sheegay inay u badan yihiin macallimiin iyo arday Soomaali ah kuwaasoo ciidamada boolisku aysan wall cadeynin dambiga loo soo qabtay.

Ciidamada Kenya ayaa dhowaanahan Nairobi ka waday howl-gallo ka dhan ah dadka looga shakisan yahay argagixisanimada.

Hase yeeshee guddiga amniga Islii ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in ardaydan loo beesaday sababo la xiriira inay si sharci-darro ah ku joogeen.

Warbixintan waxaa Nairobi ka soo diray Khadar Maxamuud Xareed.

43 qof oo Soomaali ah oo lagu xiray Islii
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:06 0:00


XS
SM
MD
LG