Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dacwadda soo jeedinta xil-ka qaadista Trump oo Senate-ka ka billaabatay


Maxkamadda la soo taagayo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si buuxda uga dhex billaabatay Aqalka Senate-ka ee Mareyknaka maalintii Talaadada ee shalay iyadoo uu jiro loolan la xiriira xeerarka xukumaya si kiiska dacwadda horay loogu sii ambaqaado.

Waa markii saddexaad ee taariikhda Mareykanka ee ay senetarradu u codeyn doonaan go'aan ka gaarista haddii ay tahay in madaxweynaha xilka laga qaado.

Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee Kongareeska ayaa ku doodaya in markhaatiyaasha loo oggolaado inay marag furaan si ay taasi gacan uga geysato kiiskooda Trump ee ah in uu ku xadgudbay awoodda madaxweynaha.

Weriyaha VOA-da aqalka Koongareeska, Katherine Gypson, ayaa faah faahinta warbixintan inoo haysa waxaana soo jeedineysa Caasho Ibraahim Aaadan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:04 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG