Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Virginia: Dibad-bax lagu taageerayo haysashada hubka


Kumanaan qof oo ah kuwa u dhaqdhaqaaqa xuquuqda lahaanshaha hubka, oo ay ku jiraan xubno malayshiyaad hubeysan ah, ayaa qorsheynaya inay maanta oo Isniin ah isku soo bax ku qabtaan caasimadda gobolka Virginia, si ay u muujiyaan diidmadooda soo jeedinta xeerar cusub oo lagu xakameynayo hubka.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey agagaarka xarunta dowladda gobolka ee magaalada Richmond.

Sharci-dejiyeyaasha xisbiga Dimuqraadiga, oo dhowaan ku guuleystay aqlabiyadda labada aqal ee baarlamaanka, ayaa meel marinta sharci adag oo lagu xakameynayo hubka ka dhigtay mid xuddun u ah waxqabadkooda.

Aqalka sare ee gobolka Virginia ayaa Khamiistii la soo dhaafay ansixiyey sharci qasab ka dhigaya in la hubiyo xogta nololeed ee qofka iibsanaya nuuc kasta oo hub ah, iyagoo sidoo kale xaddiday in hubka gacanta la iibsan karo hal qori oo kali ah bishiiba.

Aqalka ayaa sidoo kale ansixiyey sharci lagu soo celinayo awoodda dowladda hoose ee ay kaga mamnuuci karto hubka dhismayaasha dowladda iyo goobaha kale.

Kooxda Naaziyiinta cusub, maleyshiyaad, iyo kuwa u dooda xuquuqda lahaansha hubka ayaa ballan qaaday iney maanta isku soo bax ballaaran qaban doonaan waana banaanbax sanadle ah oo ay soo agaasimaan kooxda lagu magacaabo Citizens Defense League.

Banaanbaxa maanta qorsheeysan ayaa dib usoo celinaya xusuusta isku soo bax rabshado watay oo ka dhacay magaalada Charlottesville, ee gobolka Virginia sanadkii 2017, kaasi oo lagu dilay haweeney ayna ku dhaawacmeen in ka badan 30 qof, kadib markii nin ka tirsan kooxaha aaminsan sarreynta dadka caddaanka ah uu gaarigiisa jiirsiiyey dad ka soo horjeeda banaanbaxaasi.

Iyadoo ay jirto hanajabaado in rabshado ay dhici karaaan ayuu gudoomiyaha gobolka Virginia Ralph Northam oo Dimuqraadi ah waxa uu iclaamiyey xaalad degdeg ah oo KMG ah taasi oo ka mamnuuceysa in hubka lala soo galo fagaaraha magaalada Richmond inta uu banaanbaxaasi socdo si looga hortago in malayshiyaadku ay gudaha u galaan xarunta baarlamaanka gobolka.

XS
SM
MD
LG