Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad lagu Qabqabtay Nairobi


Mas’uuliyiinta Kenya ayaa maata Nairobi ku qabtay 5 qof oo looga shakiyay inay diyaarinayeen weerar argagixiso o ay ka fuliyaan gudaha magaalada Nairobi. 5-tan qof ayaa uu kala dhashay Kenya, Soomaaliya iyo qof haysta dhalashada Maraykanka. Booliska oo sidoo kale ku qabtay lacago kale duwan, computer-ka laptop ah iyo waliba kaarka ay isticmaallaan ilaalada safaaradda Maraykanka.

Dowladda Kenya ayaa ciidamadeeda heeggan galisay maalmihii lasoo dhaafay iyagoo bilaabay baaritano u muuqda inay uga in dowladdu ay uga hortagayso weeraro ay suuragal tahay in kooxaha Argagixisada ay ka gaystaan gudaha dalkeeda.

Warbixintan waxaa Nairobi ka soo diray Khadar Maxamuud Xareed.

Dhageyso Dadka lagu Xiray Nairobi
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:32 0:00


XS
SM
MD
LG