Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti oo u jawaabtay shirkadda DP World


Ismaaciil Cumar Geelle
Ismaaciil Cumar Geelle

Dawladda Djibouti ayaa maanta si rasmi ah uga hadashay bayaankii dhawaan ka soo baxay shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP-World oo sheegtay in ay mar kale ku guulaysteen dacwad kala dhexaysay dawladda Djibouti, oo ay qaadaysay maxkamad ku taala magaalada London.

Dacwaddan ayaa qayb ka ah dacwado ka horeeyay oo ay shirkaddu u gudbisay maxkamadda dalka Britain kadib markii ay dowladda Djibouti waxba kama jiraan ku tilmaantay heshiis hore oo ay labada dhinac wada galeen sanadkii 2006.

Haddaba maamulaha guud ee dekedaha dalka Djibouti Abubakar Cumar Xaddi, oo manta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Djibouti ayaa sheegay in aanu jirin haba yaraatee heshiis toos ah oo ay la galeen shirkadda DP-Wolrd, balse shirkadaasi ay qayb ka ahayd maal galinta dekedaha Djibouti.

Waxa uu sidoo kale gaashaanka ku dhuftay go’aanka la sheegay inuu maxkamadda ka soo baxay. Hoos ka dhageys codkiisa

Djibouti oo u jawaabtay shirkadda DP World
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:02 0:00


XS
SM
MD
LG