Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadaal Soomaalida Mareykanka loogu cusbooneysiinayo TPS


Qaar ka mid ah xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee congress-ka Mareykanka iyo Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka ee loo soo gaabiyo CAIR ayaa wada dadaal ay ku rabaan in Dowladda Mareykanka ay u cusbooneysiiso sharci badbaado ku meel-gaar ah siinaya ku dhawaad 1000 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo qaxootinimo ku jooga dalka Mareykanka.

Qaar ka mid ah Soomaalida sharcigan loo yaqaan TPS ku jooga Mareykanka ayaa shalay magaaladan Washington D.C kula kulmay xildhibaanada laga soo doorto magaalooyinka ay ku nool yihiin.

Wariyaha VOA-da ee gobolka Minnesota, Maxmud Mascadde ayaa khadka telefoonka ku wareystay Jaylani Xuseen oo ah madaxa Hey’ada CAIR ee Minnesota iyo Fowziya Cabdi Ibarhim oo ka mid ah Soomaalida Mareykanka ku joogta sharcigan kumeel-gaarka ah.

Dadaal Soomaalida Mareykanka loogu cusbooneysiinayo TPS
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:03 0:00


XS
SM
MD
LG