Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jamhuuriga: "Way dhaceysaa maxkamadeynta Trump


Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa kasoo horjeestay isku day la doonayo in lagu tuuro eedeymaha xil-ka-qaadis ee ka dhanka ah madaxweyne Trump, ayada oo aan la maxkamadeyn.

Aqalka Wakiilada e Dimoqraadiga ay maamulaan ayaa la filiyaa inuu qodobada xil-ka-qaadista u gudbiyo Senate-ka, halkaasi oo Mitch McConnell oo hoggaamiya uu wacad ku maray inuu gacan ka gaysan doono sidii dambiga loogu weyn lahaa Trump, oo ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Jamhuuriga.

Trump ayaa Axaddii sheegay in maxkamadeynta Senate-ka ay Dimqoraadiga siin doonto sharciyad aysan xaq u lahayn, isaga oo muujiyey inuu doonayo in kiiska lagu gacan seero, ayada oo aanay maxkamadeyn dhicin.

“Ma jiraan wax dano ah oo Senator-ada Jamhuuriga ka leeyihiin inay ku gacan seeraan eedeymaha Aqalka Wakiilada,” Waxaa sidaas yiri Senator Roy Blunt.

“Ma taageeri doono mooshin ku gacan seerid ah,” waxaa isna sidaas yiri Senator Mitt Romney, oo intaas ku daray “Xilligan, eedeymaha waa kuwa culus oo u qalmo in la eego, lana dhageysto cidda diidan iyo cidda taageersan.”

Aqalka Wakiilada ayaa bishii tagtay u codeeyey dacwad xil-ka-qaadis oo ka dhan ah Trump, taasi oo saldhig looga dhigay laba qodob oo kala ah; inuu ku takri falay awooddiisa, iyo inuu is-hortaag ku sameeyey Congress-ka.

REUTERS

XS
SM
MD
LG