Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo 3 macallin ku dilay weerar ka dhacay Kenya


Shabaab
Shabaab

Booliska Kenya ayaa sheegay in dabley la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ay maanta saddex macallin ku dileen dugsi hoose oo ku yaalla bariga dalkaas.

Waxaa sidoo kale weerarka lagu dhaawacay macallin afaraad iyo qof ilaalo ahaa.

Kooxdan ayaa sidoo kale ku gubay xarun boolis, islamarkaana ku waxyeeleeyey anteeno taleefon weerarkan oo ka dhacay magaalada Kamuthe, oo 40km koonfur kaga beegan magaalada Gaarisa.

“Qiyaastii labadii subaxnimo, koox hubeysan oo la tuhmayo inay yihiin Al-Shabaab ayaa weeraray dugsiga hoose ee Kamuthe, xarunta booliska Kamuthe, iyo anteeno taleefon, waxayna dileen saddex macalin,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay booliska.

Warbixin kale oo booliska ay soo saareen oo ay aragtay wakaaladda wararka ee AFP ayaa lagu sheegay in saddexda macallin ee la dilay aysan deganeyn gobolka.

Kooxda weerarka fulisay ayaa sii daayey kalkaaliso caafimaad, sababtuna ay tahay inay ahayd haween.

Al-Shabaab ayaa bayaan ay goor dambe soo saartay si rasmi ah ugu sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Tan iyo bilowgii sanadkan, kooxda Al-Shabaab ayaa sare u qaadday weerarada ay ka fuliso Bariga dalka Kenya ee ku teedsan xuduudda Soomaaliya, waxaana heegan sare la geliyey booliska.

Shantii Janaayo, kooxdan ayaa weeraray saldhigga militariga Mareykanka ee Manda Bay oo ku yaalla gobolka Lamu, ayaga oo dilay saddex qof oo Mareykan ah, islamarkaana buburiyey dhowr diyaarad.

Laba maalmood kadib waxay afar qof, oo uu ku jiro ilmo yar, ku dileen weerar ay ku qaadeen anteeno taleefon oo ku taalla Gaarisa.

Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saareen Arbacadii ka digay in Kenya “aysan marnaba ammaan noqon doonin”, ayaga oo u hanjabay dalxiisayaasha iyo danaha Mareykanka ee dalkaas.

Waxay Kenya u sheegeen inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, inta ay weli “haysato fursad”.

Warkan waxaa Gaarisa kasoo diray Maxamed Faarax Shire

Al-Shabaab oo macallimiin ku dilay Kenya
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:11 0:00


XS
SM
MD
LG