Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay baarayaal u direen saldhigga Manday Bay ee dalka Kenya halkaasi oo Axaddii lasoo dhaafay ay weerareen maleeshiyada Al-Shabaab.
Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay askari iyo laba qandaraasle Mareykan ah, ayada oo laba kalena ay ku dhaawacmeen.
Warbixintan oo ay diyaarisay Carla Babb waxaa inoo soo jeedinaya Maxamed Bashiri Cabdiraxmaan.