Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa xigi doona weerarkii aargudasho ee Iran?


Iran ayaa sheegtay inay dharbaaxo ku tahay Maraykanka weerarkii ay xalay ku qaadday laba saldhig oo ay ku sugan yihiin ciidamada Maraykanka ee jooga Ciraaq.

Saldhigyada Cayn Al-Asad iyo Erbil ayaa la sheegay Iiraan inay ku ridday in ka badan 10 gantaal oo ay kaga aargudanaysay dilkii taliyihii ciidamada Ilaalada Kacaanka Jeneraal Qaasim Suleymaani oo Jimcihii Maraykanku ku dileen magaalada Bagdad.

Haddaba maxaa ka dhashay weerarka aargudashada ahaa ee xalay ay Iiraan qaadday? Sidoo kale halkee ayey halkan uga dhaqaaqi karaan labada waddan – waa Maraykanka iyo Iraan marka ay noqoto xiisadadda u dhaxaysay?

Su’aalahaas iyo kuwo kale ayaa Jamaal Axmed Cusmaan uu hordhigay Dr. Xasan Al-Basri oo ka faallooda arrimaha Carabta kuna sugan Yemen.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:19 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG