Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo duqeysay saldhigyada Mareykanka ee Iraq


Gantaallo laga soo tuuray Iran
Gantaallo laga soo tuuray Iran

Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay Iran ay in ka badan 10 madfac xalay ku garaacday laba saldhig oo uu millatariga Mareykanka ku leeyahay dalka Ciraaq.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Mareykanka ee loo yaqaano Pentagon-ka, ayaa sheegay in gantaallada baalistiga lagu garaacay saldhigyada al-Assad iyo Irbil ee ciidamada cirka Mareykanka. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in saldhig saddexaad oo lagu magacaabo Camp Taji oo 27 km u jira magaalada Baghdad isna la duqeeyay.

Bayaan kasoo baxay Ciidamada Ilaalada kacaanka Iran ayaa lagu sheegay in uu si guul ah ku dhamaaday weerar ay sheegeen in ay ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Ciraq. Waxa kale oo bayaanka lagu sheegay in duqeyntaasi loogu aargudayay jeneraal Qassem Soleimani oo ay todobaadki hore Mareykanka ku dileen duqeyn cirka ah xilli uu marayay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Baghdad.

Wali ma jirto wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeynta ay Iran u geysatay saldhigyada Mareykanka ee Ciraq, hase yeeshee Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in ay ka shaqeyneyso sidi ay usoo ururin laheyd xogta ku saabsan khasaaraha weerarkaasi.

Dhanka kalana, hadal qoraal ah oo uu bartiisa twitter-ka soo dhigay, ayuu madaxweyne Trump ku sheegay in wax walba ay hagaagsanyihiin ilaa iyo hadda isla markaana ay qiimeynayaan khasaaraha ka dhashay gantaallo ay Iran ku soo tuurtay laba saldhig oo uu Mareykanka ku leeyahay Ciraq.

XS
SM
MD
LG