Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo afar qof ku dishay weerar ka dhacay Kenya


Shabaab

Afar qof oo rayid ah oo uu ku jiro canug ayaa toogasho lagu dilay maanta kadib markii kooxda Al-Shabaab ay isku dayday inay weerarto anteeno taleefon oo ku taalla bariga Kenya, meel ku dhow xuduudda Soomaaliya, sida ay sheegeen booliska.

Booliska ayaa sidoo kale dilay laba ka mid ah kooxdii weerarka soo qaadday.

Afhayeen u hadlay booliska, Charles Owino ayaa sheegay in in ka badan 10 dabley ah ay isku dayeen inay burburiyaan anteenada.

Bayaan kale oo booliska ay soo saareen ayaa lagu sheegay in weerarka uu ka dhacay magaalada Saretho, oo 25 km u jirta xerada qaxootiga Dhadhaab.

“Burcadda waxay isku dayday inay beegsadaan anteeno taleefon, waxaana intii ay ku guda jireen noloshooda ku waayey afar qof, oo ay ku jiraan macallin iyo ilmo yar,” ayaa lagu yiri bayaanka booliska.

Booliska ayaa intaas ku daray in laba qori oo AK47 ah, walxaha laga sameeyo qaraxyada iyo hub kale la helay.

Waxay sidoo kale sheegeen in ciidamada ammaanka ay iminka ku raad joogaan kooxdii weerarka soo qaaday.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Kenya ayaa iminka ku jirta heegan culus, kadib markii Al-Shabaab ay Axaddii weerar ku gashay saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee gobolka Lamu, halkaasi oo saddex Mareykan ah ay ku dileen.

Saddex qof oo Kenyan ah ayaa sidoo kale goor dambe oo Axaddii ah la xiray, sababo la xiriira in lagu tuhmay inay isku dayeen inay galeen saldhig ciidamada Britain ay ku leeyihiin bartamaha Kenya.

AFP

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG