Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Meydka Qaasimi oo la Geeyey Iran


Dalka Iran maanta waxaa la geeyay meydka General Qaasim Soleimani oo ahaa taliyihiii ciidamada Qudus ee ilaalada kaacaanka Iran ee uu Mareykanku ku dilay dalka Ciraaq.

Dilka Soleimani ayaa khalkhal badan ka dhex-dhaliyay gobolka Bariga Dhexe, iyadoo Iran ay wacad ku martay in ay Mareykanka ka aarsan doonto dilka General Soleimani.

Maraykanka ayaa dhankiisa heegan buuxa geliyay saldhigyadiisa dunida, iyadoo ciidamo dheeraad ah loo diray Bariga Dhexe.

Madaxqweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in Mareykanku uu weerari doono 52 goobood oo muhiim ah oo Iran leedahay, haddii Iran ay far dhaqaajiso.

Haddaba, dilka Soleimani raad noocee ah ayuu Bariga Dhexe ku yeelanayaa? Su’aashaasi iyo kuwo kale ayaa Maxamed Cabdi Xasan waxa uu weydiiyay Cabdicasiis Calas Cartan, oo ka faallooda arrimaha Carabta oo ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Wareysi saameynta dilka Soleimani
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:38 0:00


XS
SM
MD
LG