Dowladda Mareykanka ayaa fulisay weerar dhaawac xooggan gaarsiiyey Iran, ayada hoggaamiyihii ciidamada xulka ah ee Qudus ee dalkaas ku dushay duqeyn ka dhacday dalka Iraq.
Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in Jeneral Qassem Soleimani lagu dilay weerar dhacay goor dambe oo Khamiistii ah kadib amar kasoo baxay madaxweyne Donald Trump.
Waxay weerarka ku qeexday “tallaabo lagu difaacayey danaha Mareykanka ee dibedda.”
Haddaba muxuu saamayn yeelan karaa dilani? Muxuuse ka badali karaa xiisada bariga dhexe oo mudooyinkii u danbeeyey cakirnayd?
Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa arrimahan ka waraystay Cabdirashiid Jeeni oo ka faalooda siyaasada dunida kuna sugan magaalada London ee dalka Britain.