Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka Turkiga oo ansixiyey in ciidamo la geeyo Libya


Baarlamanka Turkiga ayaa maanta ansixiyey sharci ogolaanaya in xukuumadda ay ciidamo gayso dalka Libya, si ay u taageeraan dowladda QM ay taageerto ee Tripoli.

Dowladda Tripoli ayaa tan iyo bishii April wajahaysay weeraro joogto ah oo kaga imanayey Jeneral Khalifa Haftar, oo ay taageeraan dalalka Saudi Arabia, Imaaraadka Carabta iyo Masar.

Xafiiska madaxweyne Erdogan ayaa jimcihii tagay xaqiijiyey in dowladda Libya ay ka codsatay taageero militari.

Illaa iyo hadda wax faah-faahin ah lagama bixin inta ay la ekaan doonaan ciidamada Turkiga uu gaynayo Libya, islamarkaana madaxweyne ku-xigeenka Turkiga Fuat Oktay ayaa wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu u sheegay inaan waqti loo goyn xilliga ciidamada la gaynayo halkaas.

“Diyaar ayaan nahay. Ciidamadeena hubaysan iyo wasaaradda difaaca waa diyaar,” ayuu yiri Fuat, isaga oo intaas ku daray in ansixinta baarlamanaka ay sharci ahaan doonto muddo sanad ah.

Sharciga baarlamanka ayaa waxaa codka siiyey 325 xildhibaan, waxaana didiay 184.

XS
SM
MD
LG