Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibad-baxayaal weli isku dayaya inay galaan safaaradda Mareykanka ee Iraq


Ciidamada ammaanka ee safaaradda Mareykanka ee Baghdad ayaa maanta u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa inay kala eryaan dibad-baxayaal Iran taageersan oo xalay oo dhan ku sugnaa irdaha safaaradda.

Kumanaan banaan-baxayaal ah oo taageersan maleeshiyooyinka hubeysan ee Iraq, ayaa ku xoomay safaaradda, ayaga oo ka carreysan duqeymo Mareykanka uu fuliyey oo lagu dilay 25 ka mid ah dagaal-yahanada taageersan Iran.

Dibad-baxayaasha ayaa ka gudbay barta laga kontoroolo safaaradda oo ku dhex-taalla Aagga Cagaaran ee amnigiisa aadka loo ilaaliyo, si ay u gaaraan safaaradda.

Dibad-baxayaasha ayaa dibadda safaaradda ka dhistay qiyaastii 50 teendho iyo musqulo guura, waxayna ku dhowaaqeen inay ku sugnaan doonaan halkaas illaa ciidamada Mareykanka ay ka baxaan Iraq.

Dibad-baxayaasha ayaa maanta ku dhowaaday darbiga kaliya ee u dhaxeeya ayaga iyo dhismaha weyn ee safaaradda, waxaana ay gubeen calanka Mareykanka.

Ayaga oo u jawaabaya, ayaa ciidamada amniga waxay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa, waxaana lagu soo warramayaa inay dhowr qof ku dhaawacmeen.

Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay Iran inay mas’uul ka tahay dibad-baxayaasha weerarka ku ah safaaradda, waxayna ku cadaadisay dowladda Iraq inay sare u qaaddo ciidamada sugaya amniga safaaradda.

Sidoo kale, Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa Talaadada sheegtay inay ciidamo 750 askari oo dheeraad ah u direyso Bariga Dhexe.

AFP

XS
SM
MD
LG