Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uganda oo raadineysa deyn ku dhow $2 bilyan


Uganda ayaa sheegtay inay qorsheyneyso inay soo daynsato 1.89 bilyan oo dollar, si ay uga kabto miisaaniyadda muddo sanadeedka July 2020 illaa June 2021.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo cadaadis uu saaran yahay madaxweyne Yoweri Museveni oo raadinaya in mar kale dib loogu doorto hoggaanka dalka.

Dokumenti kasoo baxay wasaaradda maaliyadda, oo ay aragtay wakaaladda wararka Reuters, laguma shaacin dalka laga soo amaahan doono lacagtan. Hase yeeshee, China ayaa sanadihii dhowaa ahayd dalka deynta ugu badan siiya Uganda.

Dokumentiga wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in kobaca dhaqaalaha dalka ee 2020/2021 la filayo inuu noqdo 6.2%, ayada oo ay xoojinayaan wax soo saarka warshadaha iyo beeraha oo sare u kacaya, maal-gashiga, iyo ganacsiga gudaha iyo gobolka.

Deynta Uganda ee sii kordheysa ayaa dhowaanahan laga qabay walaac xooggan. Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ugu baaqday Uganda inay xakameyso deyn qaadashadeeda.

Mucaaradka ayaa sidoo kale ku eedeyey dowladda inay deyn sii qaadaneyso ka hor dakhliga la filayo in Uganda ay ka hesho iibka saliidda. Uganda ayaa rajeeneysa inay billowdo soo saarka saliidda ceeriin sanadda 2022.

Horraantii bishan, dowladda ayaa sheegtay inay qorsheneyso inay bankiyada caalamiga ah ka amaahato 661 milyan oo dollar, si loogu buuxiyo miisaaniyadda 2019/2020, kadib markii dakhliga kasoo xarooda gudaha uu hoos u dhacay 9%.

REUTERS

XS
SM
MD
LG