Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Koox ku xiran Daacish oo sheegay inay 11 qof ku dileen Nigeria


Jihaadiyiin ku xiran kooxda Daacish ayaa baahiyey muuqaal ay sheegeen inuu muujinayo dilka 11 qof oo Kirishtan ah, waqooyiga bari ee dalka Nigeria.

Muuqaalkan, oo goor dambe oo khamiistii ahayd ay internet-ka soo dhigtay warbaahinta Daacish u qaabilsan dacaayadda ee Amaq, ayaa muujiyey 11-ka qof oo indhaha ka xiran oo ay tooganayaan islamarkaana mindiyeynayaan dagaal-yahano ka tirsan kooxda Daacish ee gobolka galbeedka Afrika ee loo soo gaabiyo ISWAP.

Lama yaqaan goobta uu dilka ka dhacay.

Nin wejiga duubtay, oo ka hadlaya muuqaalka, oo socday hal daqiiqo ayaa yiri “farriintan waxay ku socotaa dhammaan Kirishtanka dunida”

Waxa uu sheegay in dilka loogu aargudayey dilka hoggaamiyiihi Daacish Abu Bakar Al-Baghdadi iyo afhayeenkiisa.

Al-Baghdadi ayaa bishii October isku dilay gobolka Idlib ee Syria, si uu uga bad-baado inay qabtaan ama dilaan ciidamada Mareykanka oo dul yimid.

Kooxda ISWAP ayaa mubaayaco Daacishi, sanaddii 2016 kadib markii ay ka go’een kooxda Boko Xaram.​

AFP

XS
SM
MD
LG