Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad ku dhintay diyaarad ku dhacday dalka Kazakhstan


Diyaarad ay saarnaayeen in ka badan 90 qof ayaa waxyar un kadib markii ay kacday ku dhacday dalka Kazakhstan, ayada oo ay ku dhinteen 12 qof, halka in ka badan 20 kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Guddiga Duulista Rayidka ah ee Kazakhstan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in diyaaradda Bek Air ay ku dhacday xeendaab shub ah iyo dhisme ka kooban laba dabaq, kadib markii ay ka kacday garoonka Almaty International Airport.

Mas’uuliyiin degaanka ayaa markii hore dhimashada ku sheegay 15 qof, hase yeeshee wasaaradda arrimaha gudaha ayaa beddeshay tiradaas, ayada oo aan bixin wax sharaxaad ah.

Diyaaradda, oo nooceedu ahaa Fokker-100, ayaa ku wajahneyd magaalada caasimadda ah ee Nur-Sultan, oo markii hore la oran jiray Astana.

Mas’uuliyiiinta ayaa sheegay in dhammaan duulimaadyada shirkadda Bek Air iyo diyaaradaha noocoodu yahay Fokker-100 la hakiyey, inta uu socdo baaritaanka diyaaradda dhacday.

Weli lama sheegin wax suurta-gal ah oo sababay shilkan diyaaradeed.

XS
SM
MD
LG