Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga oo ciidamo u diraya Libya


Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in baarlamanka dalkiisa uu bisha Janaayo u codeyn doono mooshin ciidamo loogu dirayo dalka Libya, si ay u taageeraan dowladda QM ay taageerto ee Tripoli.

“Waxaan mooshin ciidamo loogu dirayo Libya horgeyn doonnaa baarlamanka, marka ugu horreysa ee kalfadhigga uu dib u billaabo 7-da Janaayo” ayuu yiri Erdogan oo khudbad ka jeediyey Ankara.

“Insha Allah, mooshinka waa lagu ansixin doonaa baarlamanka, 8-da ama 9-ka Janaayo, si aan uga jawaabno codsi nooga yimid dowladda fadhigeedu yahay Tripoli” ayuu yiri.

Hadallada Erdogan ayaa yimid kadib markii baarlamanka Turkiga uu sabtidii meel-mariyey heshiis wada-shaqeyn militari iyo mid amni ah oo ay gaareen Ankara iyo xukuumadda Libya ee ra’iisul wasaare Fayez al-Sarraj.

Hase yeeshee, dirista ciidamo dhulka ah ayaa u baahan mooshin kale.

Erdogan ayaa arbacadii booqasho aan la shacain ku tagay dalka Tunisia, isaga oo uu wehliyo wasiirka gaashaandhigga iyo madaxa sirdoonka dalkaas, halkaasi oo ay ku yeesheen wada-xaajoodyo ku saabsan sidii xabad joojin looga hir-gelin lahaa Libya.

Liba ayaa waxaa dhowaanahan halakeeyey dagaal u dhaxeeya dowladda fadhisa Tripoli ee caalamku aqoonsan yahay iyo ciidamo uu hoggaamiyo Jeneral Khalifa Haftar oo doonaya inuu dalka qabsado.

Turkey iyo Qatar ayaa taageera dowladda Tripoli, halka Haftar uu taageero ka helo Masar, Imaaraada Carabta iyo Russia.

AFP

XS
SM
MD
LG