Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad badan oo lagu laayay Burkina Faso


Ciidamada dowladda Burkina Faso
Ciidamada dowladda Burkina Faso

Madaxweynaha dalka Burkina Faso, Roch Marc Christian Kabore ayaa xaqiijiyay dhimashada 35 qof oo ah rayid u badnaa dumar oo lagu dilay weerar Talaadadii ay koox mintidiin Muslimiin ah ku qaadeen waqooyiga dalka Burkina Faso.

Weerar isla shalay ay mintidiinta ku qaadeen xero milatari oo ku taalla gobolka Soum ayaa waxaa ku dhintay 7 askari iyo 80 ka mid ah kooxaha mintidiinta ah ee weerarka qaaday, sida ay sheegeen saraakiisha milatariga Burkina Faso.

Weeraradi Talaadadi ayaa noqday kuwi ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca wadanka Burkina Faso ku dhawaad muddo shan sano ah, tan iyo marki ay bilowdeen rabshadaha ay hormuudka ka yihiin kooxaha jihaad doonka ah ee hadda ka jira dalkaasi dhaca galbeedka Africa.

Burkina Faso oo xuduud la leh dalalka Mali iyo Niger ayaa tan iyo sannadki 2015-ki waxaa ka dhacayay weeraro ay kooxo mintidiin islaami ah ku qaadayeen ciidamada dowladda. Weeraradaasi ayaa sababay dhimashada boqollaal qof halka ay ku barakaceen kumannaan ruux oo rayid ah.

XS
SM
MD
LG