Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waalid Soomaali ah oo loo maxkamadeynayo 'gudniinka' gabadhooda


Laba waalid oo Soomaali ah oo in muddo ah ku jiray xabsi ku yaalla magaalada Dublin ee dalka Ireland, ayaa maalintii Jimcihii maxkamad la soo taagay iyaga oo ku eedaysan inay gudeen gabadh yar oo 2 jir ah oo ay dhaleen.

Gudniinka waalidkan ay ku sameeyeen gabadhooda ayaa la ogaaday kadib markii caabuq ku yimid meeshii gabadha laga gooyay dartii ay Isbitaal u geeyeen, sida lagu eedeeyey.

Waalidiintan ayaa sheegay in gabadha aysan gudin balse uu dhaawacu soo gaaray kadib markii ay kuftay, sida ay hadalka u dhigeen.

Maxkamadda ayaa ilaa dhammaadka bisha soo socota dib u dhigtay xukunka labada waalid, waxaana carruurtii si ku meel gaadh ah loogu dhiibay dad ay qaraabo yihiin.

Haddii dambiga lagu helo labadan waalid, ayaa haddii lagu helo, waxay ku mudan karaan xabsi u dhaxeeya 10 illaa 14 sano.

Sahra CIidle Nuur, ayaa diyaarisay warbixin arrintan ku saabsan.

Dublin: Soomaali loo maxkamadeynayo gudniin
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:34 0:00


XS
SM
MD
LG