Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askari Mareykan ah oo lagu dilay Afghanistan


Malitariga Mareykanka ayaa sheegay in maanta askari lagaga dilay dalka Afghanistan, balse ma bixin faa-faahin ku saabsan goobta iyo habka loo dilay.

Warbixin ay soo saareen Taliban ayey ku sheegeen in askariga Mareykanka ah uu ku dhintey deegaanka aan xasilooneyn ee waqooyiga Kunduz

Taliban waxay sidoo kale sheegeen in ay askar Mareykan iyo Afghani ah oo howlgal militari ku jirey ay miino ugu aaseen waddo ay marayeen.

Inta badan deegaanka Jaar Dala ee gobolka Kunduz waxa gacanta ku haya xoogagga Taliban, halka ay dowladu maamusho xarunta degmada u ah deegaanka.

Kooxda Taliban ayaa sheegtay in askari kale oo Mareykan ah uu dhaawac culus kasoo gaaray qaraxa, waxaana ay baraha bulshada soo dhigeen karaka aqoonsiga askariga dhintey.

Sannadkan, 19 askari oo Mareykan ah ayaa ku dhintey Afghanistan.

Dagaalka Afghanistan waxaa Mareykanka uga baxay lacag ka badan hal trillion oo dollar, waxaana uga dhintay 2300 oo askari.

XS
SM
MD
LG