Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qodobada xil-ka-qaadista Trump oo maanta loo codeynayo


Trump
Trump

Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta oo Arbaca ah cod u qaadi doona dacwadaha la doonayo in xilka looga xayuubiyo madaxweyne Donald Trump.

Kulan ay ku yeelan doonaan xarunta Aqalka ee magaalada Washington D.C ayay dhamaan xubnaha Aqalka Wakiilada cod u qaadi doonaan laba qodob oo dastuuri ah oo ay u kucsanayaan xil-ka-xayuubinta madaxweynaha.

Qodobada xil-ka-xayuubinta ayaa madaxweyne Trump ku eedeynaya inuu ku xadgudbay awoodda xafiiskiisa, isaga oo dowlad shisheeye oo ah Ukraine u adeegsaday inay fara-geliso doorashada 2020, iyo inuu hor-istaagay baaritaanka ay congress-ka ku sameynayeen arrintan.

Eedaha ka dhanka ah Trump ayaa waxaa xuddun u ah inuu cadaadis saaray Ukraine, isaga oo celiyey kaalmo Mareykanka ugu talo-galay oo ahayd 391 milyan oo dollar, si uu ugu qasbo inay baaritaan ku sameeyaan Joe Biden oo ay suurta-gal tahay inuu kula loolamo doorashada 2020.

Madaxweyne Trump waa uu beeniyey inuu wax qalad ah sameeyey. Waxa uu sheegay inuu wada-hadalladii uu la yeeshay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ay ahaayeen kuwa aan wax dhib ah ku jirin.

Haddaba arrimahaan ayaa wariyaheenna Minnesota, Maxmuud Mascadde uu ka wareystay garyaqaan Amin Harun oo ka howlgala magaalada Minneapolis.

Halkaan ka dhageyso wareysiga Amin Harun
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:08 0:00


XS
SM
MD
LG