Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dilka Saxafiyiinta oo Hoos u Dhacay Sanadkaan


Wariyaal kasoo warramaya xadka Turkiga iyo Suuriya Oct. 20, 2019.
Wariyaal kasoo warramaya xadka Turkiga iyo Suuriya Oct. 20, 2019.

Laba urur oo caalami ah oo u dhaqdhaaqa dhowrista warbaahinta xorta ah, ayaa sheegay in sannadkaan sii dhamaanaya ee 2019-ka uu ahaa kii ugu dhimashada yaraa dilka wariyaasha, guud ahaan caalamka 10-ki sano ee lasoo dhaafay.

Guddiga Dhowrista Wariyaasha (CPJ) ee xaruntiisu tahay New York iyo ururka Wariyaasha Aanan Xuduudda laheyn ee fadhigiisu yahay magaalada Paris ayaa laba warbixin oo kala gaar ah balse ay isla soo saareen Talaadadi shalay ku sheegay in ay hoos u dhacday tirada waryaasha lagu dilo dalalka ay colaadaha ka socdaan, laakin aysan waxba iska baddalin wariyaasha lagu dilo dalalka nabadda ah.


CPJ waxay sheegtay in ugu yaraan 25 saxafi lagu dilay meelo kala duwan oo caalamka ah sannadkaan, xilli ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo, tiradaas oo ah tii ugu yareyd tan iyo sannadki 2002-di. Halka warbixinta ururka Wariyaasha Aanan Xuduuda Laheyn ay sheegeyso in tirada wariyaasha sannaadkaan la dilay guud ahaan dunida ay gaareyso 49 balse ay noqoneyso tii ugu yareyd tan iyo sannadki 2003.

Dhanka xariga marka laga hadlayo, warbixintu waxay sheegeysaa in dalalka Masar, Sacuudiga iyo Shiinaha ay yihiin kuwa ugu badan ee lagu xiray sanadkaan saxafiyiinta.

XS
SM
MD
LG