Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Pervez Musharraf oo dil lagu xukumay


Pervez Musharraf
Pervez Musharraf

Maxkamad gaar ah oo ku taalla dalka Pakistan ayaa madaxweynihii hore ee militariga ahaa ee dalkaas Pervez Musharraf, ku heshay dambi khiyaameyn qaran ah waxaanay ku xukuntey dil.

Kiiskan ayaa waxaa xuddun u ah go’aankii Musharaf uu sanaddkii 2007dii ku hakiyey dastuurka wadanka islamarkaana dalka kusoo rogay xaaladd deg deg ah.

Tallaabadaas muranka leh ayaa dhalisay dibad-baxyo xooggan oo ka dhan ah Musharraf ugu dambeynna hoggaamisay inuu si-casilo.

Hoggaamiyihii hore ee Pakistan, oo sidoo kale wajahaya dacwado la xiriira maalmihii uu xukunka hayey, ayaa ku gacan seydhay eedeymaha loo jeediyey oo uu ku qeexay kuwa ay siyaasad ka dambeyso oo xaal abuur ah.

Musharraf ayaa tan iyo sanaddii 2016 ku noolaa magaalada Dubai, markaasi oo laga qaaday xayiraad saarneyd, si uu caafimad uga raadsado dibedda.

Waxa uu sanaddii 1999-kii xukunka ku qabsaday afgambi uusan dhiig ku daadan, isaga oo riday dowladdii ra’iisul wasaare Nawaz Sharif, kaasi oo markii dambe uu u ceyriyey dalka Saudi Arabia, isaga iyo xubnaha qoyskiisa.

Pervez Musharraf oo 76 jir ah ayaa waxa uu hadda inta badan waqtigiisa ku qaataa Dubai iyo London.

XS
SM
MD
LG