Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Mareykanka ee Afghanistan 'oo la dhimayo'


US Troops in Afghanistan

Milatariga Mareykanka ayaa VOA-da u sheegay Isniinta maanta ah inaysan helin amarro lagu dhimayo heerka ciidamada Afghanistan ka jooga, islamarkaana ay ka goa’n tahay inay si buuxda ula howlgalaan ciidanka Afghanistan, si ay u gaaraan ujeedkooda amni.

Si kastaba ha ahaatee saraakiil ku sugan Afghanistan ayaa VOA-da u xaqiijiyay in Mareykanka uu qorsheynayo in kumanaan ciidamo ah uu kasoo saaro Afghanistan.

Waxay intaas ku dareen in tallaabada lagu yareynayo ciidamada ay ku timi is-faham dhex marey labada is-bahaysi ee Mareykanka iyo Afghanistan.

Sabtidii lasoo dhaafay, warbaahinta Mareykanka ayaa warisay in maamulka Madaxweyne Trump uu qorsheynayo inuu ku dhawaaqo horraanta ama dhamaadka todobaadkan qorshaha lagu dhimayo tirada ciidamada Mareykanka ee jooga Afghanistan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG