Isku xirrada

War Deg-Deg ah

China: "Ozil waxaa lagu dhagray warar been abuur ah"


Mesut Ozil
Mesut Ozil

China ayaa maanta sheegtay in cayaaryahanka Arsenal ee Mesut Ozil “lagu dhagray warar been abuur ah” kadib markii uu twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku cambaareeyey sida ay Beijing ula dhaqanto muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighur, waxaana ay ku casuuntay inuu soo booqdo gobolka Xinjiang oo uu indhihiisa ku arko.

Ozil oo ah Jarmal asal ahaan kasoo jeeda Turkey, ayaa cambaareeyey beegsiga China ee Muslimiinta gobolka waqooyi ee Xinjiang, iyo sida ay dalalka Islaamka ugu guul-darreysteen inay ka hadlaan xadgudubkan.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda China, Geng Shuang ayaa maanta sheegay in “mowqifka Ozil ay saameeyeen hadallo aan run ahayn” islamarkaana uu jeclaan lahaa inuu indhihiisa kusoo arko waxa ka socda Xinjiang.

“Haddii uu leeyahay dareen wanaagsan, wuu kala saari karaa sax iyo qalad, wuxuuna qaadan karaa mabda’ hadaf leh oo dhex-dhexaad ah, wuxuu arki doonaa Xinjiang kale,” ayuu yiri Geng.

“Gobolka Xinjiang wuxuu haystaa xasilooni siyaasadeed, horumar dhaqaale, midow qarannimo, jaceyl bulsho, islamarkaana dadka halkaas waxay ku nool yihiin kuna shaqeystaan nabad iyo qanacsanaan.”

Taleefishinka dowladda China ee CCTV ayaa axaddii baajiyey baahinta cayaartii dhex-martay Arsenal iyo Manchester City, ayada oo looga jawaabayo hadalka Ozil.

AFP

XS
SM
MD
LG