Aqalka Wakiilada oo dhameystiran ayaa la filayaa in ay todobaadkan u codeeyaan laba qodob oo ah dacwadda xil ka qaadista madaxweyne Trump.
Labadaas qodob ayaa waxaa toddobaadkii tegay ansixiyey guddi hoosaadka caddaaladda ee Congress-ka.
Madaxweyne Donald Trump ayaa noqonaya madaxweynihii seddexaad ee lagu soo oogo dacwad isagoo xafiiska haya.
Dimoqraadiyiinta ayaa ku eedeeyey inuu si qaldan awooddiisii madaxweynenimada u isticmaaley isagoo weydiistey Ukraine in ay baarto ninka hormuudka u ah musharrixiinta dimoqraadiga ah. Trump iyo taageerayaashiisa ayaa ku adkeystay in uusan madaxweynuhu wax qalad ah sameynin.
Wariyaha VOA Arash Arabasadi ayaa warbixintan inoo diyaariyey, Falastiin Axmed Iman ayaana soo jeedineysa.