Gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxaa toddobaadyadii tagey kusii kordhayey dilalka loo gaysto dhallinyarada Soomaalida ah. Dilalkan ayaa waxaa qaarkood gaysta Soomaali kale.
Bishan gudaheed, laba wiil oo Soomaali ah ayaa lagu dilay gobolka, waxaana booliska ay sheegeen inay u qabteen nin Soomaali ah oo la tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey.
Dhinaca kale, tirakoobka shacabka Mareykanka ee anadka soo socda ayaa waxaa lagu soo darey Soomaalida.
Arrimahaas ayuu hadaba wariyaheena Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ka wareystey Hassan Omar oo ah gudoomiyaha Jaalida Soomaalida ee gobolka Ohio.