Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boris Johnson: "Waxaan soo dhisayaa dowlad dadka matasha"


Ra’iiusl Wasaaraha Britain, Boris Johnson oo xisbigiisu uu cod aqlabiyad ah ku guulaysatay doorashada guud ee dalka ayaa goor dhoweyd shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa 10 downing Street wuxuu sheegay in uu soo dhisi doono dowlad mas’uul ka ah dalka isla markaana haysata Kalsooni buuxda si looga dhabeeyo qorshaha ka-bixista Britain ee Midowaga Yurub ee loo yaqaano Brexit.

Xisbiga Conservative-ka ee muxaafidka ayaa 80 kuraas ah ku hogaaminaya natiijada doorashada, halka hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee shaqaalaha Jeremy Corbyn oo xisbigiisu uu lumiyay 59 kuraasta baarlamanka ayaa isna ku dhawaaqay in uu iska wareejin doono hogaaminta xisbiga kadib guuldarradii uu xisbiga shaqaaluhu kala kulmay doorashadan.

650 kuraasta baarlamanaka oo doorashadan lagu loolamayay ayuu xisbiga muxaafadku helay 364 kursi, waana guushii ugu balaarnayd ee xisbiga muxaafadka tan iyo xukuumaddii Ra’iusl Wasaare, Margaret Thatcher 1987-dii.

Xisbiga mucaaradka ee Shaqaalaha ee uu hogaamiyo Jeremy Corbyn ayaa helay 203 kursi, taas oo ka dhigan guuldaradii ugu xooga badnaynd ee xisbiga shaqaalaha tan iyo 1935-kii.

Xisbiga SNP oo ay hogaamiso Nicola Sturgeon ayaa helay 48 kuraasta baarlamanka ee Scotland iyadoo sheegtay in RWasaaraha cusub aanu joojin karin afti laga qaado dadweynaha Scotland oo doonaya in ay kasii mid ahaadaan Midowga yurub, Xisbiga Lib Democrats ayaa helay 11 kursi, inkastoo hogaamiyahoodii Jo Swinson ay ku guuldaraysatay kursigeedii baarlamanka ee Scotland, xisbiyada kale ee yar yar marka la isku wada daro ayaa iyana helay 23 cod.

Guusha Ra’iiusl Wasaare Boris Johnson ayaa ka dhigan in uu fursad u heli doono soo afjaridda sadex sano oo qalalaaso siyaasadeed ah iyo in dalkan Britain uu gabi ahaanba ka baxo Midowga Yurub 31 bisha January ee sanadka cusub. Doorashadan ayaa ka dhalatay muranka iyo doodaha ka taagan qorshaha ka bixista Britain ee Midowga Yurub.

Ra’iiusl Wasaare Boris Johnson oo la hadlayay taageerayaashiisa guusha ku faraxsanaa ayaa sheegay in xisbigiisu uu soo gabagabeeyay is-mari waagii taagnaa isla markaana uu dib dadweynaha ugu celin doono kasoonidii ay codka kusiiyeen, waxaana uu balan qaaday in isabadallo uu ku samayn doono adeegyada dadweynaha.

Taageerayaashiisa ayaa ku dhawaaqayay ‘Ka dhabee ka-bixista Britain ee Yurub”

Johson waxaa uu yiri : “Iyadoo la raacayo waajibaadkan iyo aqlabiyaddan, waxaan ugu dambeyntii awood u yeelan doonnaa inaan qabanno maxay? ( Ka dhabee ka-bixista Britain ee Yurub) ayey taageerayaashiisu ku qaylinayeen isagoo intaasi ku daray waa In laga dhabeeyo ka bixista Britain ee Midowga Yurub, waqti badan ayaad galiseen doorashadan, waxa ay micneheedu tahayna waa in la xaqiijiyo ka bixista Yurub oo ah mid aan dib looga laabanayn, aan la dafiri karin, doodna aan laga keeni Karin go’aanka dadweynaha Britain, waxaan filayaa in aan soo gunaanadayno khatartii ahayed afti dadweyne oo mar kale la qabto”

Hogaamiyaha Mucaaradka Jeremy Corbyn ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay natiijada isla markaana uu ka dagi doono hogaaminta xisbiga horaanta sanadka cusub. Guuldarada Corbyn ayaa loo aanaynayaa hogaan-xumo iyo kala qaybsanaanta xisbigiisa shaqaalaha.

Corbyn ayaa isna ka hadlaya guuldaradda xisbigaasa ay kala kulmeen doorashada.

“Waa arrin iska cad in habeen niyadjab ah ay u tahay xisbiga shaqaalaha marka la eego natiijada Laakiin waxaan rabaa inaan idiin sheego in ololaha doorashada aan ku galnay halku dhigeena rajjada, midnimada iyo halkudhig gacan ka gaysanaya in la saxo khaladaadka, cadaalad daradda, iyo sinaan la’aanta ka jirta dalkan.” ayuu yiri Corbyn.

Dadweynaha Britain ayaa doorashadan ku muujiyay in aan dib looga noqon aftidii dadweynuhu ay ‘Haa’ ugu codeeyeen ka bixista Britain ee Midowaga Yurub sanadkii 2016-kii – Guusha Boris Johnson waxaa ku horgudban caqabado ay kamid yihiin kala qaybsanaanta dadweynaha iyo dalka oo wali aan xal loo helin iyo Gobolada Woqooyiga Airland iyo Scotland oo iyagu marar badan ka horyimid qorshaha Britain ay kaga baxayso Midowga Yurub.

XS
SM
MD
LG