Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Keydka lacagaha qalaad ee Iran oo sii gurmaya


Brian Hook
Brian Hook

Sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in cunaqabateynta Washington ee ka dhanka ah Iran ay si xun u wiiqday awoodda Tehran ay u heli karto isticmaalka lacagaha qalaad, ugana tagtay kaliya keyd lacageed oo ah 10 bilyan oo dollar.

Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka ee Iran Brian Hook ayaa shaaca ka qaaday wax uu ugu yeeray xog la helay oo la xiriirta keydka sarifka lacagaha qalaad ee Iran.

“Sida ay sheegeyso xogta dowladda Mareykanka, Iran waxa ay haysataa keyd sarif lacagaha qalaad ah oo gaaraya 100 bilyan oo dollar, hase yeeshee waxa deg deg loo isticmaali karaa kaliya 10% ama 10 bilyan oo dollar” ayuu yiri Hook.

Hook ayaa sheegay in 90-ka bilyan ee kale ee lacagaha qalaad ee Iran ay xanibeen dalalka ay yaalaan, sababo la xiriira xayiraadda Mareykanka uu saaray hay’adaha maaliyadeed ee Tehran.

Shirkado iyo Bankiyo badan oo caalami ah ayaa diiday inay la macaamilaan Iran, ayaga oo ka cabsi qaba xayiraadda labaad ee Mareykanka uu saaro, taasi oo diidaysa inay suuqyada maaliyadeed ee Mareykanka.

XS
SM
MD
LG