Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qodobada xil-ka-xayuubinta Trump oo maanta la ansixinayo


Donald Tramp
Donald Tramp

Guddi Hoosaadka Garsoorka ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa la filayaa inay maanta ansixiyaan qodobada xil-ka-xayuubinta ee ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump.

Xubnaha Dimqoraadiga ee Aqalka Wakiilada ayaa isku dayaya inay ciqaabaan madaxweynaha, oo ay ku eedeeyeen inuu awooddiisa ku xadgudubvay, halka Jamhuuriga ay cambaareeyeen hanaankan, oo ay ku sheegeen inuu yahay mid siyaasad ay ka dambeyso oo aan caddeyn loo hayn.

Guddiga ayaa habeenkii arbacada ka dooday qodobada oo madaxweyne Trump ku eedeynaya inuu ku xadgudbay awoodda xafiiskiisa, isaga oo dowlad shisheeye oo ah Ukraine u adeegsaday inay fara-geliso doorashada 2020, iyo inuu hor-istaagay baaritaanka ay congress-ka ku sameynayeen arrintan.

Doodda ayaa la filayaa inay maanta sii socoto, ka hor inta uusan guddigu u qaadin cod ah in qodobada la horgeeyo Aqalka Wakiilada oo dhan iyo in kale.

Madaxweyne Trump waa uu beeniyey inuu wax qalad ah sameeyey. Waxa uu sheegay inuu wada-hadalladii uu la yeeshay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ay ahaayeen kuwa aan wax dhib ah ku jirin.

Eedaha ka dhanka ah Trump ayaa waxaa xuddun u ah inuu cadaadis saaray Ukraine, isaga oo celiyey kaalmo Mareykanka ugu talo-galay oo ahayd 391 milyan oo dollar, si uu ugu qasbo inay baaritaan ku sameeyaan Joe Biden oo ay suurta-gal tahay inuu kula loolamo doorashada 2020.

XS
SM
MD
LG