Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dimoqraadiga oo shaaciyey qodobada xil-ka-xayuubinta Trump


Xubnaha Dimoqraadiga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta shaaca ka qaaday laba eedeymo xil-ka-xayuubin oo ka dhan ah madaxweyne Donald Trump.

Dimoqraadiga ayaa waxay madaxweynaha ku eedeeyeen ku xadgudubka awoodda xafiiskiisa iyo is-hortaagga cadaaladda, isaga oo ku cadaadiyey Ukraine inay gacan ka siiso inuu weeraro musharax kula loolami kara doorashada 2020.

Dacwadahan, ayaa haddii ay ansixiyaan xubnaha Aqalka Wakiilada oo u codeynaya toddobaadka xiga, waxay Trump ka dhigi doonaan kaliya madaxweynihii saddexaad ee taariikhda Mareykanka ee xil-ka-xayuubintiisa la dalbo, wuxuuna wajihi doonaa in lagu maxkamadeeyo Aqalka Senate-ka.

“Madaxweynaheena wuxuu haystaa kalsoonida ugu dambeysa ee shacabka” waxaa sidaas yiri Jared Nadler oo madax ka ah guddi hoosaadka garsoorka ee Aqalka Wakiilada.

“Marka uu qiyaamo kalsoonidaas, islamarkaana uu dantiisa ka hormariyo tan dalka, waxa uu halis gelinayaa dastruurka, waxa uu halis gelinayaa dimoqraadiyaddeena, waxa uuna halis gelinayaa Amniga Qaranka.” Ayuu yiri.

Adam Schiff, oo ah madaxa Guddiga Sirdoonka ee Aqalka Wakiilada, oo maamulayey baaritaanka ayaa sheegay in “sii wadista ku xadgudubka awoodda” ee Trump ay Dimqoraadiga siisay ikhtiyaar aan ka ahayn tallaabada ay qaadeen.

“Caddeymaha ka dhanka ah hab dhaqanka madaxweynaha waa kuwa aad u badan oo aan la loodin karin” ayuu yiri.

Haddaba qodobadan ayaa Axmed Cali Sheekh uu wax ka weydiiyey Cabdiqafaar Cabdi Wardheere oo ka faallooda arrimaha Marayaknka.

Qodobada xil-ka-xayuubinta Trump
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:08 0:00

AFP

XS
SM
MD
LG